Home Dhacdooyinka Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo booqday beeraha Baydhabo (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo booqday beeraha Baydhabo (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Maxamed Cali Xumad oo maalintii labaad booqasho ku joogga Magaalada Baydhabo ayaa maanta booqday beeraha ku yaala duleedka Magaalada Baydahbo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay dhigiisa Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Wasiiro iyo Xildhibaano.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa ujeedada uu u booqday beeraha waxaa lagu sheegay, sidii uu wax kaga ogaan lahaa wax soo saarka beeraha, maadaama xilli roobaadkii lagu jiro.

Gudoomiyaha iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa si saf mareen ah u soo indha indheeyay beeraha ku yaala duleedka Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Wariye-yaasha ayaa waxay soo sheegayan in beeraleyda ay isu diyaarinayan beerashada dalaga, halka qaarkoodna ay horey u beerteen beerahooda, waxa ay suggaana ay tahay billaha soo socda oo ay gurtaan wixii ay tacbadeen.

Bulshada Koonfur Galbeed oo u badan beeraley iyo xoolo dhaqato ayaa wuxuu wax soo saarkoodu ku tiirsan yahay dalaga beeraha iyo xoolaha nool.

Maxamed Cali Xumad, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa waxaa Arbacada lagu wadaa in uu ku laabto Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kaga qaybgali doono furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka.

SHARE