Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Aqalka sare: Madaxda Dowladda ha xaliyaan khilaafka jira

Gudoomiyaha Aqalka sare: Madaxda Dowladda ha xaliyaan khilaafka jira

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi C/laahi ayaa wuxuu maanta uu is dultaag ku sameeyay khilaafka xoogan ee Dowladda Federaalka Somaliya kala dhaxeeya Maamul Goboleedyada.

Madaxda Dowladda Somaliya ayuu muddooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf darani kala dhaxeeyay Maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyadoo khilaafka kala dhaxeeya Jubbaland uu gaaray heer dhinaca hawada culeys laga saaro Jubbaland.

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo maanta ka hadlay furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu Madaxda Qaranka ugu baaqay inay xaliyan khilaafka kala dhaxeeya Maamul Goboleedyada Dalka ka dhisan.

Gudoomiyaha oo tilmaamay sida ay laga maarmaan u tahay xal u helidda khilaafkaasi ayaa dhanka kale mid waajib ah ku sheegay in xal laga gaaro khilaafkaasi, si aanay dib u dhac ugu keenin hawlaha qaranka.

Cabdi Xaashi C/laahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa muujiyay inaanan loo baahnayn is qabqabsi iyo is jiidjiid caqabad ku keeni kara horu-socodka dalka iyo dadka Soomaaliyeedba.

Khilaafka muuqdo ee Madaxda Qaranka kala dhaxeeya Dowlad Goboleedyada ayaa ah midka Jubbaland, xilli ay ka goys adeegayan in ay aqoonsadaan Madaxtinimada Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxda Jubbaland ayaa qudhooda maalin ka hor si adag uga biyo diiday soo jeedintii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ee ahayd in lagu celiyo Doorashada Madaxtinimada Jubbaland.

Waxgaradka Soomaaliyeed iyo dadka caqliga u saaxiibka ah ayaa waxay ku baaqayan in labada dhinacba ay isu tanaasul muujiyan, bedelkii ay dalka u horseedi lahaayen dib u dhac aan loo baahnayn.

SHARE