Home Wararka Maanta Guddoomiyihii Awdheegle oo Qarax miino lagu dilay

Guddoomiyihii Awdheegle oo Qarax miino lagu dilay

Guddoomiyihii Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa lagu dilay Qarax miino oo loo dhigay.

Qaraxan ayaa waxaa la galiyay wadada dhinaceeda, waxaana uu ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Awdheegle & deegaanka Sabiib.

Wararka waxa ay sheegayaan in sidoo kale Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Saddex ka mid ah Ciidamadii illaalada u ahaay Guddoomiyihii Degmada Awdheegle ee geeriyooday.

Allaha u naxriistee Maxamed Yarow ayaa mudo ka badan 6 sano wuxuu ahaa gudoomiyaha degmada Awdheegle,waxaana guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose oo qaraxaasi ka hadlay uu u tacsiyadeeyey ehelada guddoomiyihii degmada Awdheegle.

Masuuliyiinta Gobolka Shabellaha hoose, ayaa waxa ay wadooyinka ku maraan xaalad adag, maadaama Shabaab wadooyinka ay galiyaan Qaraxyo miino.

SHARE