Home Wararka Maanta Guddiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la magacaabay

Guddiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la magacaabay

Kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland xilkii ay ka qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulkaasi, ayaa waxaa la magacaabay Guddiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo qaban-qaabin doona doorashada guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland.

Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Puntlamd ayaa sheegay 14ka Bishan oo ku beegan maalinta Khamiista inay dhici doonto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doono hawlaha kala duwan ee doorashada & Shuruudaha laga doonaayo qofka isku soo sharaxaya xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland C/xakiin ayaanan wali si toos ah uga hadlin xil ka qaadista lagu sameeyay.

SHARE