Home Wararka Maanta Golaha Shacabka oo meelmariyay ku noqoshada Miisaaniyadda 2019 (SAWIRRO)

Golaha Shacabka oo meelmariyay ku noqoshada Miisaaniyadda 2019 (SAWIRRO)

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxay meelmariyeen ku noqosahda Miisaaniyadda 2019.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominaayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, Cabdiweli Sheekh ibraahim Muudey, waxaana soo xaadirtay 141 mudane.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo cod u qaaday ku noqoshada Miisaaniyadda 2019 ayaa waxaa haa ugu codeysay 118 mudane, iyadoo ay 15 diiday, halka 8 ay ka aamustay.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay natiijada codaynta ayaa sheegay inay Xildhibaanada Golaha Shacabka ansixiyeen ku noqoshada Miisaaniyadda 2019.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wadaa inta aanay dhammaan bishaan December inay meelmariyaan Miisaaniyadda 2020, oo 31-kii bishii October ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Somaliya.

Miisaaniyadda ay Dowladda Somaliya ku shaqayn doonto sanadka soo cocdo ayaa wuxuu dhan yahay $469.5 milyan, waana tiradii ugu badneyd. Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020 ayaa waxaa lagu macneeyay, iyadoo la kordhiyay mushaaraadkii Ciidamada Dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in mushaarka Ciidamada Dowladda laga dhigay laba boqol oo dollar, halka bishii uu askarigu mushaar ahaan u qaadan jiray 130 dollar.

SHARE