Home Wararka Maanta Farmaajo oo Salaadda Ciidda ku tukaday Masaajidka Shuhadaa (SAWIRRO)

Farmaajo oo Salaadda Ciidda ku tukaday Masaajidka Shuhadaa (SAWIRRO)

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa waxa uu maanta Salaadda Ciidda uu ku tukaday Masaajidka Shuhadaa ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa qaar ka mid ah xubnaha dowladda iyo siyaasiyiin kula tukaday Masjidka Shuhadaa, oo ku dhex yaala Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaxweynaha Somaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo umadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda suuban.

Madaxweynaha Somaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is caawiyaan, si farxadda Ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa umadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sanadkan midka xigga ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isu duubni.

Farmaajo ayaa shacabka ku booriyay inay doorkooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo la dagaalanka cadowga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ayaa maanta si weyn looga ciiday maalinta 1aad ee Ciidul Adxaa.

SHARE