Home Wararka Maanta Faah faahin toogasho ka dhacday Magaalada Boosaaso

Faah faahin toogasho ka dhacday Magaalada Boosaaso

Korneyl ka tirsan Saraakiisha Booliska Puntland ayaa dhaawac culus loogu gaystay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa dhaawac culus u gaystay Korneyl Cumar Warsame Ciise, wax yar uun ka dib xilligii Salaadda Jimcaha.

Raggan oo lala xiriirinayo kooxaha nabadiidka ayaa dhawr xabadood qaybaha kore ee jirkiisa kaga dhuftay Korneyl Cumar Warsame, ka hor intii aanay ka baxsan agagaarka Masaajidka Faadumo ee Magaalada Boosaaso.

Ciidamada Booliska oo wax yar uun ka dib falkaasi ku baxay goobtaasi ayaa waxay ka qaadeen dhaawaca Korneyl Cumar Warsame, oo xilligan ku magacaaban Taliyaha Saldhiga Booliska ee Nuur Salaad.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in rasaastii lagu dhaawacay Taliyaha uu sidoo kale ku dhaawacmay qof rayid ah, oo wadada maraayay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, sidoo kalena waxaan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Bari iyo Saraakiisha Booliskaba.

Ururada Al Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan sheegta masuuliyadda weerarada hubeysan, ee ka dhaca Xarunta Rugta Ganacsiga ee Puntland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

SHARE