Home Wararka Maanta Faah faahin: Iska horimaadkii Magaalada Kismaayo

Faah faahin: Iska horimaadkii Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa xaqiijinaya in uu istaagay iska horimaadkii duhurnimadii maanta ka bilowday Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Iska horimaadka ayaa waxa uu yimid, ka dib markii Ciidamada Jubbaland ay hor istaag ku sameeyeen bannaanbax uu soo qaban-qaabiyay Cabdinaasir Seeraar Maax, oo sanadkii hore sheegtay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland.

Bannaanbaxayaasha oo haween u badnaa ayaa ku qaylinayay hal kudhigyo liddi ku ah Maamulka Jubbaland, taasoo aad mooddo in lagu diidan yahay kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Amb. Donald Yamamoto.

Ciidan u daacad ah Cabdinaasir Seeraar Maax, Afhayeenkii hore ee Maamulka Jubbaland oo hareer socday bannaanbaxayaasha ayaa iska horimaad toos ah la galay Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Jubbaland.

Iska horimaadkan oo muddo 40 daqiiqo ka socday xaafadda Farjano ayaan ku fidin qaybaha kale ee Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Jubbaland ayaa u muuqdo inay hadda ka itaal roonaadeen maleeshiyadii Cabdinaasir Seeraar, isla-markaana ay fashiliyeen bannaanbaxayaashii uu wadooyinka isugu soo saaray.

Dhanka kale warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan. Wararka qaar waxay sheegayan in saddex qof ay ku dhaawacantay oo laba ka mida ay dumar yihiin, halka midka kalena uu yahay askari ka tirsan Ciidamada Jubbaland, warar kalena waxay sheegayan in hal qof uu ku dhintay, laba kalena ay ku dhaawacantay.

Wariye-yaasha Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in khasaaraha uu ka badan karo faah faahinta horudhaca ahi ee iminka laga helayo.

Si kastaba ha-ahaatee bannaanbaxan lagu hakiyay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay abaabulkeedu laheyd Dowladda Federaalka.

La-soco wixii ku soo kordha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

SHARE