Home Wararka Maanta Ergada Shirka Dhuusamareeb oo Su’aalo waydiiyay Wasiirka Amniga Somaliya

Ergada Shirka Dhuusamareeb oo Su’aalo waydiiyay Wasiirka Amniga Somaliya

Ergada ku sugan Shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, ayaa maanta waxa ay Su’aalo waydiiyeen Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle.

Wasiir Islow oo Ergada hortagay ayaa waxaa Su,aalo badan laga waydiiyay arrimaha ammaanka deeganada Maamulka Galmudug & qorshaha Wasaaradda Amniga Somaliya ay ugu talo gashay deeganadaasi, xilli Shabaab ay haystaan deegaano ka mid ah maamulka Galmudug.

Su’aalaha Ergada ay waydiinayeen Wasiirka Amniga Somaliya ayaa waxaa ka mid ah qorshaha Shabaab looga saaraayo deeganada Maamulka Galmudug uu ka taliyo.

Wasiir Islow oo ka jawaabaayay Su’aalaha Ergada ay waydiiyen, ayaa u sharaxay qorshaha dhanka ammaanka & horumarada laga gaaray, waxaana uu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan.

Wasiirka ayaa u sheegay Ergada in Ciidamada Xoogga dalka Somaliya dhawaan deeganada Maamulka Galmudug ay ka bilaabi doonaan hawlgalo dhanka ammaanka ah, islamarkaana lagu wajihi doono deeganada Shabaab ay maamulaan.

Al Shabaab ayaa haysta magaalooyin waaweyn oo ka mid ah deeganada Maamulka Galmudug, mana jirto qorshe cad oo dowladda u dajisay sidii deeganadaasi Shabaab looga saari lahaay.

SHARE