Home Wararka Maanta Dowladda oo tira koobeysa Ciidamada Gobolka Gedo (SAWIRRO)

Dowladda oo tira koobeysa Ciidamada Gobolka Gedo (SAWIRRO)

Dowladda Somaliya ayaa waxay maanta bilowday tira-koobka Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo, iyadoo maantana la soo geba-gabeeyay wejigiisii 1aad.

Tira-koobkan ayaa waxaa maanta laga bilaabay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana degmadaasi ku sugan Saraakiil Dowladda ugu xil saaran diiwaan-gelinta ciidamada.

Saraakiisha ku shaqada leh tira-koobka Ciidamada Dowladda ayaa waxay sheegeen inay maanta diiwaan-geliyeen ciidamadii ku sugnaa Degmada Beled Xaawo, maalmaha soo socdana ay sii wadi doonaan.

Saraakiishan ayaa waxay xaqiijiyeen in maalmaha soo aadan ay gaari doonaan Degmooyinka Luuq & Doolow, halkaasoo ay ka bilaabayan wejiga labaad ee barnaamijka lagu diiwaan-gelinayo Ciidamada Dowladda.

Ciidamada oo hannaan casri ah lagu diiwaan-gelinayo ayaa waxaa qorshaha loo diiwaan-gelinayo lagu sheegay, si loola socdo xaaladda ciidamada, si ay bil kasta u hellaan xuquuqdooda, isla-markaana ay dowladdu ugu sahlanaan doonto ka warqabkooda.

Dowladda Somaliya ayaa waxay maalmihii ugu dambeysay waday dadaalo ay isugu ballaarinayso Degmooyinka Gobolka Gedo, iyadoo meesha ka saareyso nidaamkii Maamulka Jubbaland ee gobolkaasi.

Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland ayaa Khamiistii Magaalada Kismaayo ka sheegay in Dowladda Somaliya ay Gobolka Gedo ku diyaarinayso ciidan, ay dooneyso in ay u adeegsato burburinta Jubbaland, sida uu yiri.

SHARE