Home Wararka Maanta Dowladda oo sheegtay in la dilay madaxii Qaraxyada Shabaab ee Sh.hoose

Dowladda oo sheegtay in la dilay madaxii Qaraxyada Shabaab ee Sh.hoose

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa waxa ay sheegeen inay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada Wanlanweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose ku dileen Madixii qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolkaas.

Taliyaha Guutada 16aad ee kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa sheegay in Ninkaasi oo lagu Magacaabi jirey Maxamed Cismaan Xuseen Buluush uu ka hor inta aan la toogan uu la soo baxay qori AK47 isla markaana uu la dagaalamay Ciidamada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inu u jeedka howlgalka loo fuliyey uu ahaa in ay soo qabtaan, hayeeshee markii uu Ciidamada la dagaalamey ay toogteen.

Wararka laga helayo degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in howlgalkaan uu dhacay Saqdii Dhexe ee xalay, isla markaana si weyn looga dareemay Magaaladaas.

Majiro wax war ah oo dhankooda kasoo baxay Al-Shabaab, kaas oo ku aadan warkaan kasoo baxay Dowladda ee lagu sheegay in howlgal lagu diley Madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose.

SHARE