Home Wararka Maanta Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo waqtigeeda laga soo hormariyay

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo waqtigeeda laga soo hormariyay


Qoraal kasoo baxay Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay jadwalka xilliga ay dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Jubbaland & tan guddoonka Baarlamaanka.

Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in Maanta oo Arbaco ah ay bilaabaneyso diiwaangelinta musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, maalinta berito ahna ay tahay Maalinta hadal-jeedinta musharixiinta,isla markaana Sabtida oo ku beegan 17-ka Bisha Agoosto la qabanayo doorashada guddoonka Baarlamaanka Jubbaland.

Sidoo kale Guddiga doorashada Jubbaland ayaa waxa ay shaaciyeen in Maalinta Axada ah ee soo socota taariikhduna ku beegan tahay 18-ka  Bisha Agoosto ay khudbaadahooda jeedin doonaan musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland,isla markaana isniinta  ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa 4-tii Bishii July ee sanadkaan waxaa ay soo saareen jadwalka doorashada jubbaland kaas oo qorshuhu ahaa in doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ay dhacdo 18 Agoosto halka doorashada Madaxweynaha la qabto 24-ka Bishaan,hayeeshee waqtiyada la soo hormariyay.

SHARE