Home Wararka Maanta Dhalinyaro caawa lagu laayay Degmada Kaxda

Dhalinyaro caawa lagu laayay Degmada Kaxda

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir dhalinyaro ayaa caawa lagu laayay Degmadaasi.

Muddooyinkii dambe Degmada Kaxda waxaa ka taagnaa xiisad salka ku haysa dilalka aanooyin qabiil, waxaana taasi ay sababtay caawa in la laayo dhalinyaro meel fadhiday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay dhalinyaro meel fadhiday oo ku shaaheysay in rasaas lala dhacay, waxaana halkaasi ku dhintay illaa Saddex dhalinyaro ah, halka ay dhaawacmeen afar kale.

Kooxda falkaan gaysatay oo qoryo ku hubaysnaa ayaa ka baxsaday goobtii ay dilka ka gaysteen, waxaana la sheegayaa inay yihiin rag maleeshiyaad aano qabiil dilka u gaystay.

Goobta arrintaan ka dhacday ayaa waxaa gaaray Ciidamada Booliska Degmada Kaxda, waxaana socdo baaritaano ku aadan halka ay u baxsadeen dableydii falka dilka ah gaysatay.

Dhalinyarada caawa Degmada Kaxda lagu laayay ayaa ahaay kuwa deegaanka u dhashay oo arrimo siyaasadeed aanan shaqo ku laheyn.

SHARE