Home Wararka Maanta Darawal mooto bajaaj oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Darawal mooto bajaaj oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayan in goor dhow lagu dilay magaalada mid ka mid ah mooto bajaajleyda ka shaqaysa Magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa waxaa uu ninkaasi ku dilay wadada Ex Kulliyaddii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Askarigan oo ku labisnaa dareyska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa la sheegay in uu ku amray darawalka in uu istaago, balse uu ka dhego adeegay, iyadoona uu rasaas ku furay.

Mooto Bajaajlaha ayaa waxaa la soo sheegaya in uu goobtaasi ugu geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray rasaastii uu askarigaasi ku furay.

Goobjooge ayaa wuxuu sheegay in mooto bajaajlaha uu ka cararaayay lacago aan sharci ahayn oo uu ka doonayay askarigaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay xilliyada fiidkii soo istaagaan wadooyinka magaalada qaarkood, iyagoo lacago sharci-darro ahi weydiista wadayaasha gaadiidka dadweynaha.

Bishii aynu ka soo gudubnay ee November ayay ahayd markii Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis iyo Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan lagu kala dilay laba wiil oo ka mid ahaa dhalinyarada ku xamaalata bajaajta.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay weli Magaalada Muqdisho ka wadaan beegsiga ay ku hayaan wadayaasha mooto bajaajta ee ka shaqeeya Caasimadda Muqdisho.

SHARE