Home Wararka Maanta Dad shacab oo lagu dilay Gobolka Mudug

Dad shacab oo lagu dilay Gobolka Mudug


Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ee Bartamaha Somaliya ayaa sheegaya in la rasaaseeyay gaari ay la socdeen dad shacab ah.

Gaarigaan ayaa maraayay deegaanka Saaxo ee duleedka Magaalada Gaalkacyo waxaana la sheegay dabley hubaysan inay rasaaseeyeen.

Dadka deegaanka waxa ay sheegeen illaa saddex ruux inay ku dhinteen gaariga oo ka mid ahaay rakaabkii saarnaa Baabuurka, waxaana maydkooda la geeyay Magaalada Gaalkacyo.

lama garanaayo rasmi ahaan dableyda falkaasi ka dambeysay meesha ay ka yimaadeen & sababta gaariga ay u rasaaseeyeen, inkastoo markii dambe ay baxsadeen.

Dadka deegaanka Saaxo ee Gobolka Mudug ayaa hadal haayo dhacdadaan dadka shacabka ah lagu laayay ee ka dhacday deegaankaasi.

Qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka ayaa laga soo xigtay inay dabagal ku sameynayaan haddiiba la helaayo raadka dableydii falkaasi gaysatay.

SHARE