Home Dhacdooyinka Dad badan oo ku dhintay qaraxii ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)

Dad badan oo ku dhintay qaraxii ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)

Dad badan ayaa ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo dhimashadu ay sii caga cageynayso 17 ruux, halka dhaawacuna gaarayo 44 ruux.

Qaraxan oo ismiidaamin ahaa ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska KM4 iyo Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan afaafka hore ee Hotel Afrik, kuna dhow kontorool ay ciidamada ammaanka ku baaraan gaadiidka ku sii jeeda Garoonka Aadan Cadde.

Muna Cabdi oo goobta ka ag-dhaweyd ayaa sheegtay in nin la socday gaari NOAH ahaa uu xoog ku soo galay wadada, ciidamada ammaankana ay isu dayeen in ay rasaas ku joojiyan, ha yeeshee uu qarxay.

Xilligii uu qaraxu dhacaayay waxay goobtu ahayd mid mashquul badan oo gaadiid ay saf ku jireen, kuwo kalena ay wadada marayeen. Khasaaraha ugu badana waxa uu soo gaaray dadkii gawaarida la socday.

Sidoo kale qaraxa ayaa burbur xoogan gaarsiiyay dhismooyin ganacsi oo halkaasi ku yaalay. Goobjoogeyaal ayaa sheegay daqiiqado ka hor qaraxa in ay goobahaasi ganacsi ahaayeen kuwo camiran, dadkuna ay ka dukaameysanayeen.

Dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ayaa loo kala qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku yaala, inkastoo inta badan dadkaasi la geeyay Isbitaalka Madiina.

Dr. Maxamed Yuusuf, Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay 17 meydad ah iyo 28 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba. Inta badan dhaawacyada ayuu sheegay inay ahaayeen kuwo fudud, dibna ay u celiyeen.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, waxayna sheegeen in bartilmaameydku uu ahaa kontoroolka ay Ciidamada Dowladda halkaasi ku leeyihiin.

Qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku soo beegmaya, xilli ay Magaalada Muqdisho booqasho ku jooggaan wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Thabo Mbeki.

SHARE