Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka iyo Degmada Awdheegle (SAWIRRO)

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Degmada Awdheegle (SAWIRRO)

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Arbacadii si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo Awdheegle ay muhiim u ahayd Ururka Al Shabaab. Shabaabka ayaa Awdheegle ku uruurin jiray Zakaawaat-ka ay ka qaadaan dadka ku dhaqan Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal guri guri ah ka sameeyay xaafadaha Degmada Awdheegle, ka dib kala wareegitaankii Xoogaga Ururka Al Shabaab. Hawlgalka ayaa ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

Ibraaahim Aadan Cali (Najax), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose oo gaaray Degmada Awdheegle ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xasilinta Gobolka Shabellaha Hoose.

“Waxaan diyaar u nahay xasilinta Gobolka Shabeellaha Hoose. Halkaan waa degmada beeraha iyo barwaaqada ee Awdhegle. Shacabka Awdheegle waa shacab qalbi furan daacad u ah dowladnimada. Insha’Allah mar dhow waxaan keeni doonnaa gargaar iyo mashaariic hormarineed. Ciid Mubaarak.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Odawaa Yuusuf Raage oo hogaaminayay hawlgalka lagu qabtay Degmada Awdheegle ayaa Ciidamada Kumaandooska ku ammaanay in ay mintidiinta Al Shabaab ka eryeen halkaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa waxa uu xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay guteen waajibaadkooda, isla-markaana ay gaareen meeshii loogu talagalay ee Awdheegle.

Taliyaha oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay inaanay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ururka Al Shabaab wada jooggi doonin Gobolka Shabellaha Hoose.

SHARE