Home Wararka Maanta Ciidan gadoodsan oo la wareegay Garoonka Degmada Luuq

Ciidan gadoodsan oo la wareegay Garoonka Degmada Luuq

Ciidan gadoodsan oo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland ayaa gelinkii dambe ee maanta xoog kula wareegay Garoonka Diyaaradaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Ciidankan oo ka yimid Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa maanta soo gaaray Degmada Luuq, iyagoo la socdo illaa saddex gaari oo kuwa shacabka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka gaaray Degmada Luuq ay gelinkii dambe ee maanta u suurta-gashay in si nabdoon kula wareegaan Maamulka Garoonka Luuq.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayan in ay ogolaansho ka haystaan Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Degmada Luuq, gaar ahaan Ciidamada Militariga Itoobiya.

Waxaa maanta suuqa soo galay warar sheegaya in ciidankan ay ka goysteen Maamulka Jubbaland, isla-markaana ay isu soo dhiibeen Militariga Somaliya, kuwooda ka hawlgala Degmada Luuq.

Shacabka ku dhaqan Degmada Luuq ayaa ku sheegaya in degmadaasi laga dareemayo xaalad kacsanaan ah, inkastoo aanay illaa iyo hadda dhicin qalalaaso sidaasi u weyn oo amniga liddi ku ah.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka Jubbaland ayaan ka hadlin xaaladda ku soo korortay Degmada Luuq ee Gobolkaasi Gedo.

SHARE