Home Wararka Maanta Ciidamo ka tirsan Puntland oo lagu qarxiyay Magaalada Boosaaso

Ciidamo ka tirsan Puntland oo lagu qarxiyay Magaalada Boosaaso

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, qarax miino ayaa wuxuu ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Hotel Boosaaso wadada horumarta, waxaana lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Puntland.

Ciidanka la qarxiyay ayaa la sheegayaa inay yihiin Ciidamada PMPF, waxaana dadkii ka agdhawaa goobta ay xaqiijiyeen laba Askari inay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Ciidanka dhaawacmay ayaa waxaa u soo gurmaday Ciidamo kale oo ka tirsan Booliska Puntland, kuwaasi oo goobta ka qaaday askartii dhaawaca uu soo gaaray.

Waxaa socda Baaritaan ku aadan goobta Qaraxa uu ka dhacay oo ay wadaan Ciidamada Booliska Puntland.

Lama oga Shabaab iyo Daacish cidda ka dambeysa qaraxaan Miinada ah ee Ciidamada PMPF lagula eegtay Magaalada Boosaaso.

SHARE