Home Wararka Maanta Ciidamada sida gaarka u tababaran oo qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho

Ciidamada sida gaarka u tababaran oo qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group ayaa maanta qarax miino lagula beegtay agagaarka Deegaanka Jazeera ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid wadada dhinaceeda lagu sii diyaariyay ayaa lala eegtay gaari Cabdi Bille ahaa oo ay la socdeen Ciidamada Alpha Group, waxaana qaraxaasi lala beegsaday xilli ay wadada marayeen.

Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in qaraxaasi uu burburiyay gaariga, isla-markaana ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay Ciidamada Alpha Group.

Sida ay soo sheegayan Wariye-yaasha qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay, kuna dhaawacmay qaar ka mid ah Ciidamada Alpha Group, inkastoo aan xog dheeri ah laga hayn tirada dhimashada.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaan wax faah faahin ah ka bixin qaraxa Ciidamada Alpha Group lagula eegtay aagga Jazeera, balse Shabaabka ayaa sheegtay in ay ku dileen xubno ay magacyadooda ku kala sheegeen Daahir Cabdulle, Faarax Caato iyo Sharmaarke.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Alpha Group ay ku soo jeedeen Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay ka soo laabteen Deegaanka Nambar Konton (50km) ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Waa markii ugu horeysay oo qarax Magaalada Muqdisho lagula bartilmaameedsado gaari ay la socdaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loogu yeero Alpha Group.

SHARE