Home Wararka Maanta Ciidamada Jubbaland oo soo badbaadiyay laba ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya

Ciidamada Jubbaland oo soo badbaadiyay laba ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya

Ciidamada Jubbaland oo hawlgal ka wada Hotel Cas Casey ee Magaalada Kismaayo ayaa soo badbaadiyay laba ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, oo ku sugnaa hotelkaas, ka hor intii aanay soo weerarin maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Ciidamada Jubbaland oo iska caabin kala kulmaya maleeshiyada Shabaabka ayaa waxaa u suurtagashay in ay soo badbaadiyaan dad fara-badan, oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo siyaasiyiin.

Xildhibaanada ay soo badbaadiyeen Ciidamada Jubbaland ayaa waxay kala yihiin Xildhibaan Maxamed Cali (Caano nuug) oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo Senatar Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan Aqalka Sare.

Ciidamada Jubbaland ayaa waxay weli wadaan hawlgalka ay ku soo samata bixinayaan dadka weli ku go’doonsan Hotel Cas Casey, oo ku yaala agagaarka Aargada Kismaayo.

Ciidamada Booliska & Nabad Suggida Jubbaland ayaa sidoo kale waxaa ay xireen dhammaanba wadooyinka soo gala hotelkaasi, iyadoo dadka iyo gaadiidkaba aan loo ogayn inay adeegsadaan wadooyinkaasi.

Weerarkan oo bilowday casir liqii galabta ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay afaafka hore ee hotelkaasi, wax yar ka dibna waxaa gudaha u galay hotelkaasi xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasi ayaa ku faanay in ay la wareegeen gacan ku haynta hotelkaasi, isla-markaana ay ka wadaan toogasho ka dhan ah dadka ku sugan hotelka.

Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadin weerarka qorsheysan, ee ay Shabaabku ku galeen Hotel Cas Casey, oo ay degan yihiin qaar ka mid ah murashaxiinta Jubbaland iyo weliba dad qurbajoog ah.

SHARE