Home Wararka Maanta Ciidamada Jubbaland iyo Shabaab oo ku dagalamaya Hotel Cas Casey

Ciidamada Jubbaland iyo Shabaab oo ku dagalamaya Hotel Cas Casey

Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa gaaray Hotel Cas Casey oo ku yaala Bartamaha Magaalada Kismaayo, ka gadaal markii ay soo weerareen xubno ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Weerarkan oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa xigay dabley hubeysan oo gudaha u galay hotelka, kuwaa oo sida la sheegay loo maleynayo in ay toogasho ka gaysteen.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Jubbaland ayaa waxay xireen dhammaanba wadooyinka soo gala Hotel Cas Casey, oo ku yaala agagaarka Aargada Kismaayo.

Wariye-yaasha ayaa waxay soo sheegayaan in rasaas xoogan iyo bambooyinka gacanta laga tuuro laga maqlayo agagaarka hotelka la weeraray.

Wariye-yaasha ayaa waxaa ay ku soo waramayan in xaaladda magaalada ay tahay mid aad u kacsan, isla-markaana ay ciriiri tahay isgaarsiintii ka jirtay magaaladaasi.

Hotelka Cas Casey oo amnigiisa aad loo ilaaliyo ayaa waxaa degan qaar ka mid ah murashaxiinta Jubbaland iyo weliba dad qurbajoog ah.

Dhanka kale Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, iyagoo ku faanay in xubno ka tirsan maleeshiyadooda ay gacanta ku hayaan hotelkaasi, isla-markaana ay toogasho ka wadaan.

Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadin weerarka qorsheysan, ee casir liqii galabta lagu qaaday Hotel Cas Casey.

SHARE