Home Wararka Maanta Ciidamada illaalada Tuulax oo rasaaseeyay gaari uu leeyahay Xoghayaha Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda

Ciidamada illaalada Tuulax oo rasaaseeyay gaari uu leeyahay Xoghayaha Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda

Ciidanka Booliska ee illaalada u ah Gudoomiye Ku xigeenka amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdulaahi Tuulax ayaa galabta rasaaseeyay gaari uu leeyahay Xoghayaha Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Somaliya.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday meel ku dhaw Koontaroolka Ciidamada Booliska ay ku leeyihiin Degmada Kaxda, waxaana dhacday in Ciidamada Booliska halkaasi joogay ay celiyeen gaadiidkii uu watay Gudoomiye Tuulax.

Gaariga ay rasaaseeyeen Ciidanka Tuulax waxaa saarnaa Askar ka tirsan Ciidanka Koofi gaduuda, wax khasaare nafeed ah kama dhalan marka laga soo tago in gaari muraayadihiisa ay burbureen.

Tuulax & Xubnaha la socday oo Gudoomiyeyaal Degmo ahaay ayaa ka soo baxay Degmada Kaxda oo Xaflad ay uga qayb galeen, markii muddo meesha lagu haayay Gaadiidka oo Ciidanka ay ku amreen inaysan dhaqaaqi karin ayaa Tuulax markii dambe xiriir uu la sameeyay Gudoomiyaha Kaxda oo ugu dambeyn furdaamiyay dhibaatada ay gaysteen Ciidanka illaalada u ah Gudoomiye Tuulax.

Sababta gaariga ay u rasaaseeyeen Ciidamada illaalada Gudoomiye Ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay inay ka shakiyeen gaarigaan.

Gaariga la rasaaseeyay ee muraayadaha laga jabiyay waxaa iska leh Axmed Xuseen Cajami Xoghayaha Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Villa Somaliya Cabdi Qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

SHARE