Home Wararka Maanta Ciidamada Amisom oo Qarax lagula eegtay Muqdisho

Ciidamada Amisom oo Qarax lagula eegtay Muqdisho


Wararka inaga soo gaaraya Xaafadda caymiska ee Degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in Ciidamada Amisom halkaasi Qarax lagula eegtay.

Qaraxan oo haaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaadiid Amisom oo halkaasi maraayay, waxaana qaraxa kadib Ciidamada Amisom ay fureen rasaas badan.

Goobjooge ayaa Dhacdo.com u sheegay in Ciidamada la qarxiyay ay u socdeen dhanka Suuqa Xoolaha, islamarkaana ay marayeen meel ku dhaw labaajada Mahad Alle ee Degmadaasi Yaaqshiid.

Laba ruux oo shacab ah ayaa dhaawacyo uu ka soo gaaray Qaraxa, lama oga Ciidamada Amisom waxa soo gaaray, balse xabado argagax galiyay Bulshada ayeey marqura fureen Ciidankaasi.

Qaraxa wuxuu ahaay miino wadada dhinaceeda la dhigay, waxaana la sheegayaa in mid ka mid ah gaadiidka Ciidamada Amisom waxyeelo ay ka soo gaartay.

Ciidamada Amisom ayaa wadadaasi caymiska waxa ay ku maraan xaalad feejignaan leh, maadaama Shabaab halkaasi ay galiyaan Miinooyin.

SHARE