Home Wararka Maanta Ciidamada Amisom oo Buulo burde ku xiray Odayaal

Ciidamada Amisom oo Buulo burde ku xiray Odayaal

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti ee  ku sugan degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay Xabsiga dhigeen qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka degmadaas, kuwaas oo kasoo horjeestay Maamulka Hirshabeelle.

Odayaasha la xiray oo gaaraya illaa Saddex ayaa kasoo horjeestay Maamulka cusub ee degmada Buulo Burde ay dhawaan u soo magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, kaas oo uu khilaaf ka taagan yahay.

Nabadoon Cali Cumar Qaansaweyne oo ka mid ah Odayaasha Buulo burde ayaa sheegay in Maamulka Hirshabelle & Ciidamada Amisom ay u sheegeen inaysan raali ka aheyn maamulka cusub ee Degmada loo soo magacaabay.

Qaansaweyne ayaa sheegay intaasi markii ay u gudbiyeen Saraakiisha Ciidamada Amisom & Maamulka Hirshabelle in la xiray qaar ka mid ah Odayaasha uu isaga ka mid yahay.

Illaa Saddex Oday ayuu sheegay in Ciidamada Amisom ay xireen, amarkaasina uu bixiyay Maamulka Hirshabelle, arrintaasi uu ku sheegay inay tahay mid xadgudub ah.

Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa saaka waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabelle.

SHARE