Home Wararka Maanta Booliska oo gacanta ku soo dhigay Shabakad Carruurta ka ganacsan jirtay

Booliska oo gacanta ku soo dhigay Shabakad Carruurta ka ganacsan jirtay

Hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska dowladda Federalka Somaliya ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen Shabakad ka ganacsan jirtay iibinta carruurta.

Sida ay sheegtay Taliye Ku xigeenka Ciidamada Booliska Somaliya Zakia Huseen hawlgalkaasi waxaa fuliyay Ciidamada dambi baarista Booliska oo muddo bil ah ku daba joogay kooxdaasi.

Dadka la soo qabtay ayaa waxa ay gaarayaan 11 oo eedeysane oo 8 ka mid ah ay yihiin Haween kuwaasi oo ka ganacsan jiray iibinta carruurta.

“Ciidanka Booliska gaar ahaan Hoggaanka Dambi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata carruurta taas oo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysanayaal oo 8 ay yihiin haween.” Ayeey Tiri Zakia Xuseen.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale soo badbaadiyay 11 Carruur oo da,dooda u dhaxeyso 12 sano jir illaa 7 Bil jir kuwaasi oo la doonaayay in la iibsado.

“Sidoo kale waxeey ciidanka soo badbaadiyeen 11 caruur da’dooda u dhaxeysa 12 sano jir illaa 7 bil jir kuwaas oo ah beec-sugiyaal oo hada ay xanaaneenayaan ciidanka Booliska intii laga baadigoobaya waalidiintooda.” Ayeey sii raacisay hadalkeeda Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska.

SHARE