Home Wararka Maanta Booliska Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay Askari dilay nin Ajnabi ah

Booliska Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay Askari dilay nin Ajnabi ah

Booliska Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen askari ka dambeeyay dil loo gaystay nin Kenyan ahaa oo ku sugnaa Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Askariga dilka gaystay ayaa illaalo u ahaa ninka Kenyan ah oo u shaqeynaayay Shirkad Kalluumeysi oo ku taallo magaalada Boosaaso, waxaana soo kala dhex galay muran sababay dilka Askarigaasi.

Taliska Booliska Gobolka Bari, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen askarigii ka dambeeyay dilka Ninka Ajnabiga ah ee Boosaaso lagu toogtay.

“Ciidamadda Amniga ee Magaalada Boosaso ayaa Gacanta ku soo dhigay Ninkii ka danbeeyay dilka muwaadinkii u dhashay dalka Kenya ee Saaka lagu dilay Magaalada Boosaso” ayaa lagu yiri qoraa ka soo baxay taliska Booliiska gobolka Bari.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka taagan xaalad amnidaro oo isugu jirta kuwa ay gaystaan Shabaab iyo kuwa ay gaystaan Ciidamada qaarkood oo aan la isku haleyn Karin.

SHARE