Home Wararka Maanta Bixinta Baasaboorka Somaliga oo la hakiyay

Bixinta Baasaboorka Somaliga oo la hakiyay

Hay,adda Socdaalka & Jinsiyadaha dowladda Federalka Somaliya ayaa hakisay muddo todobaad ah qabashada codsiyada Baasaboorka Somaliga.

Qoraal la soo dhigay Bogga xiriirka Bulshada ee Hay,adda Socdaalka & Jinsiyadaha Somaliya ayaa lagu sheegay arrimo farsamo awgeed in loo hakiyay qabashada codsiyada Baasaboorka.

Muddo isbuuc ah oo ka bilaabanaysa 14 September illaa 21 ayaa la sheegay in la hakiyay bixinta Baasaboorka.

“Arimo farsamo awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudo todobaad ah kana bilaabata September 14, 2019 illaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka.” Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Hay’adda Socdaalka.

Shacabka Somaliyed ayaa dhibaatooyin badan waxa ay ku qabaan helida Baasaboorka Somaliga ah oo wadooyinka loo soo maro ay noqotay mid aad u dhib badan, sidaasi oo ay tahayna Bulshada ay ku samraan.

Hanaanka bixinta Baasaboorka Somaliga oo caqabado kala duwan ay soo wajahaan ayaanan la garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeyso hakinta inkastoo arrimo farsamo kaliya lagu soo koobay.

SHARE