Home Wararka Maanta Banaanbax ka dhacay Degmada Buulo burde

Banaanbax ka dhacay Degmada Buulo burde

Banaanbax ayaa saaka wuxuu ka dhacay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo boqolaal dad careysan ay isugu soo baxeen.

Qaar kamid ah dadka ku nool degmada buulo burde ayaa isugu soo baxay wadooyinka degmadaas, iaga oo banaan baxooda uga soo horjeeda safar la sheegay in uu degmdaasi ku tegayo Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Dadkaan Banaanbaxa dhigaayay ayaa gubaayay taayaro, waxaana dhagxaan ay ku gooyeen wadooyinka qaar ee Magaalada gudaheeda.

Dadka ayaa la sheegay sidoo kale inay ka careysan yihiin isbedel lagu sameeyay Maamulka Magaalada, islamarkaana aysan raali ka aheyn isbedelkaasi.

Ciidamada dowladda & kuwa Amisom ayaa la sheegay inay ku baxeen Banaanbaxa oo ay kala eryeen dadkii Banaanbaxaasi dhigaayay.

Lama oga Wasiir Caadle inuu baajin doono safarkiisa & inuu tagi doono Magaalada Buulo Burde, maadaama Banaanbax isaga looga soo horjeedo uu halkaasi ka dhacay.

SHARE