Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo si adag ugu hanjabay dowladda Somaliya

Axmed Madoobe oo si adag ugu hanjabay dowladda Somaliya


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Saxaafada wuxuu kula hadlay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Madaxweynahu wuxuu ka hadlay  Doorashadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee dhawaan Jubbaland ka dhacday, Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland iyo xarigga wasiirka Amniga Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay Arrimaha ammaanka dalka iyo Doorashooyinka 2020.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dadweynaha reer Jubbaland sida ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay socdeen isagoo sidoo kale ku amaanay Hay’adaha amaanka iyo Sarakiishooda sida ay uga soo dhalaaleen shaqadooda sugida nabadgalyada.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in jawaabta midan xigta ay noqon doonto mid ka badalan marxalada hada la joogo hadii Madaxda Dowlada Federaalku ayna wax ka badalin wadada ay ku socdaan.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo doorashada, Dastuurka iyo horumarka Somaliya balse taasi aaney muuqan dowladii lagala shaqeyn lahaay.

SHARE