Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo qaabilay Xildhibaanada Labada Aqal (SAWIRRO)

Axmed Madoobe oo qaabilay Xildhibaanada Labada Aqal (SAWIRRO)

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa Aqalka Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, ee ku sugnaa magaaladaasi.

Xildhibaanada ayaa Magaalada Kismaayo siyaabooyin kala duwan ugula kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Jubbaland iyo Guddiga Doorashooda Jubbaland, kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu daba socdaa kulamadoodii hore.

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan ayaa Axmed Madoobe la wadaagay aragtidooda la xiriirta, sidii si habsami leh ugu qabsoomi laheyd doorashooyinka.

Xildhibaanadan ayaa waxay Axmed Madoobe u sheegeen in la doonayo in Doorashooyinka Jubbaland ay u dhacaan si furan, xor iyo xalaalba leh, iyadoo aanay fara-gelin jirin.

Axmed Madoobe ayaa Xildhibaanada ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya u sheegay in maamulkiisu uu ka shaqaynayo, sidii ay Doorashooyinka Jubbaland ku noqon lahaayen kuwo laga wada qaybgalo.

Axmed Madoobe oo rumeysan in culeys xoogan uu kaga imaanayo dhinaca Dowladda Federaalka Somaliya ayaa waxa uu yoolkiisu yahay sidii uu markale xafiiska ugu soo laaban lahaa, isagoo geed gaaban iyo mid dheerba mira dhalkeeda u fuuli doono.

Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa waxaa si weyn loogu eedeeyay inaanay dhexdhexaad ka ahayn doorashada, isla-markaana ay u janjeeraan dhinaca Madaxweynaha uu xilka ka sii dhamaanayo.

SHARE