Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo ka hadlay Xildhibaanada maanta lagu dhaariyay Kismaayo

Axmed Madoobe oo ka hadlay Xildhibaanada maanta lagu dhaariyay Kismaayo

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu ka hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Jubbaland, ee maanta lagu dhaariyay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Xildhibaanada cusub ee ka mid noqday Baarlamaanka Jubbaland u rajeeyay in Alle la garab galo masuuliyadda culus, ee ay dadka reer Jubbaland u dhiibteen, sida uu yiri.

Dhammaan shacabka Jubbaland ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay in ay garab istaagan mid ka mid ah Hay’adahooda Dowliga ah, oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso, taas oo wadada u xaaraysa sida uu sheegay qaybaha ka dhiman oo ay ku jirto Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in la adkeeyo amniga iyo midnimada shacabka reer Jubbaland, ayna wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka, taas oo raad qurux badan u noqonaysa buu yiri Dimoqraadiyada & Dowladnimada Jubbaland.

Dowladda Federaalka Somaliya iyo musharaxiinta mucaaradka Jubbaland ayaa waxay ka biyo diidan yihiin hannaanka ay Doorashooyinka Jubbaland uga soconayan Magaalada Kismaayo.

SHARE