Home Wararka Maanta Rag Shabaab ka tirsan oo lagu dilay Gobolka Gedo

Rag Shabaab ka tirsan oo lagu dilay Gobolka Gedo

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, waxaa xalay halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay ku leeyihiin duleedka Degmadaasi.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid dhanka Ururka Al Shabaab, isaga oo sheegay inay hayeen macluumaadka ku saabsan weerarka Al Shabaab ay soo qaadayeen.

Waxa uu sheegay in dagaalka ka dhacay degmada Garbahaareey ay Shabaab uga dileen laba qof sidoo kalena ay ka furteen saddex qori oo mid ka mid ah uu yahay Qoriga Sabanka ama Baasuukaha, sidoo kalena dhinacooda uu jiro khasaaro dhaawac ah.

Xaaladda Degmada Garbahaarey ayaa saaka waxa ay tahay mid degan, waxaaba socda hawlgal Ciidamada Xoogga dalka ay ka wadaan duleedka Degmada Garbahaarey.

Al Shabaab wali kama aysan hadlin weerarka xalay ay ku qaadeen Garbahaarey, inkastoo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ay sheeganayaan guulo ku aadan dagaalkaasi.

SHARE