Home Wararka Maanta Ahlu Sunna oo naqdisay Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug (Akhriso)

Ahlu Sunna oo naqdisay Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug (Akhriso)

Ahlu Sunada Galmudug ayaa waxay si rasmi ah uga soo horjeedsatay magacaabista Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug, oo ay soo magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya.

Guddigan oo ka kooban saddex iyo toban xubnood ayaa waxay qaarkood ku dhow yihiin Madaxtooyada Somaliya. Mid ka mid ah xubnaha la magacaabay oo dumar ahayd ayaa iska casishay xilkaasi.

Sida uu qorshahu yahay guddigan ayaa samaysan doona guddoon dhexdooda ah, waxayna u guda geli doonaan dhismaha Galmudug loo dhan yahay. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaana horey u soo dhaweeyay magacaabistooda.

Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa qoraal uu soo saaray kaga horyimid magacaabista Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug.

Waxaa uu diidmadooda ku sababeeyay inaanay magacaabista guddiga waafaqsanayn Dastuurka Qaranka iyo midka Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa qoraalka ku muujiyay in magacaabista guddiga uu hareer marsan yahay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe oo muhiim u ah jiritaanka Maamulka Galmudug ayaa marar kala duwan cabasho ka keentay inaanan la fulin waxyaabihii lagula heshiiyay.

SHARE